jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgiumka ayaa kulan soo dhawayn iyo is xog-waraysi la yeeshay Danjire Amb. Khadija Ossoble Ali.
Danjiraha ayaa bulshada siiyay warbixin dhamaystiran sidoo kalena amaannay soo dhawaynta diiran. Bulshada ayaa dhankeeda balanqaaday wadashaqayn dhaw oo dhex marta bulshada iyo safaaradda.
“Walaalayaal, midnimadiinna iyo taageeradiinna aad bey noo dhiirigelisay. Waa ku faraxsanahay in annaga oo isku duuban safaarad iyo bulshaba aan si wadajir ah uga wada shaqeynayneyno horumarka Mustaqbalkayna” Amb. Khadija Ossoble Ali.