Jaaliyada soomaaliyeed ee wadanka belgium ayaa maanta olole Nadaafadeed oo isxilqaan ah waxa ay ka fuliyeen dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Belgium.
Ololahan isxilqaanka ah ayaa waxa horkacaye Safiirka Soomaaliya ufadhiya Wadanka Belgium Amb.Khadiija Ossoble Ali sidoo Kale Amb.Khadiija Ayaa aad Kaga mahadcelisay jaaliyada soomaaliyeed ee wadanka belgium sidee ololaha uga qeybqaateen kuna boorisay Dadaalka, Wax wada qabsiga iyo in si wadajir ah gacmaha isku qabsadaan umadda soomaaliyeed Meelkasto ay joogaan.